Askar Kenyan ah oo lagu weeraray Duleedka Gaarisa & Kenya oo ku eedeysay Al-Shabaab written by Warsan Radio 06/06/2022 Qarax Miino ayaa waxaa lagu weeraray Kolonyo ay saarnaayeen Askar kamid ah Ciidamada booliska Kenya xilli ay marayeen duleedka Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari xaduudna la leh Soomaaliya.Ilaa 5 askari ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen, waxaana askarta ay gelibanayeen Gaadiid uu saarnaa xildhibaan lagu magacaabo Ibraahim Cabaas oo ka tirsan baarlamaanka Ijara, iyaga oo ku sii jeeday degmada Hulugho.Warbixin kasoo baxay Ciidamada Booliska Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka miino ay ku dhaawacmeen mid kamid ah darawaliinta Kolonyada iyo askar kale.Sidoo kale Saraakiisha Booliska ayaa waxaa ay weerarkaas ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab, iyada oo weerarkaan uu yahay weerarkii labaad oo muddo laba todobaad gudahood ah ka dhaca duleedka Magaalada Gaaris.Dhowr jeer ayaa Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay weeraro qaraxyo iyo mid toos ah ka fuliyeen degaano hoostaga Magaalooyinka gaarisa iyo Mandheera wallow bilihii la soo dhaafay ay yaraadeen weerarada. Askar Kenyan ah oo lagu weeraray Duleedka Gaarisa & Kenya oo ku eedeysay Al-Shabaab was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan next post Wasiir Beyle oo mas’uuliyiin katirsan dowladda libya kala hadlay Arrimaha deyn cafinta You may also like Xoghayaha Guud Ee QM Shaaca Ka Qaaday In Caalamku Uu Halis Ugu Jiro Adeegsiga Hubka Nukliyeerka 02/08/2022 Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedin doona kulanka Golaha Shacabka ee Berri 14/08/2020 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 09/01/2017 Madixii Amniga Qaranka Siiriya Iyo Taliyeyaal Kale Oo Duqeyn Lagu Dilay 01/09/2020 Dhageyso+Sawiro:-Dood ku saabsan Corona Virus. 08/08/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 21/11/2018 Madaxweyne Qorqoor oo kulan qadka Online la qaatay Siyaasiyiin iyo aqoonyahano 12/05/2020 In ka badan dhaawacyada 40 qof oo la gaarsiiyay isbitaal Madiino 20/08/2022 Bannaanbax Ka Dhacay Baladweyne Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay 31/12/2020 Abiy Ahmed oo ka hadlay qorshaha Ciidamada Federaalka looga soo saaray Gobalka tigray 06/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.