Wasiir Beyle oo mas’uuliyiin katirsan dowladda libya kala hadlay Arrimaha deyn cafinta written by Warsan Radio 06/06/2022 Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta waxaa uu la kulmay safiirka wadanka liibiya ee Soomaaliya Yuusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna u qaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya.Wasiir Beyle iyo labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha iyo Deyn cafinta oo Libya ka mid tahay wadamada Carabta ee deynta kuleh Soomaaliya.Sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo liibiya iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaa arrimaha Gobolka .Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahad celiyay labada mas’uul kulankooda, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay dalalka Afrika.Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aya dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay waday dadaalkeeda ku aadan sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa, waxaana lagu guuleystay dalalka qaar oo ka cafiyay halka kuwo kale ay u harsan yihiin. Wasiir Beyle oo mas’uuliyiin katirsan dowladda libya kala hadlay Arrimaha deyn cafinta was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Askar Kenyan ah oo lagu weeraray Duleedka Gaarisa & Kenya oo ku eedeysay Al-Shabaab next post Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Xukun ku riday askar dil geysatay You may also like Dhageyso: GUDOOMIYAHA DEGMADA YEED OO CAMBEERAYN DUSHA UGA TUURAY HAY’ADDA BARNAAMISHKA CUNTADA 12/04/2018 Akhriso:-Guddoon cusub oo ay doorteen Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka 26/12/2018 Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo la kulmay sii haya Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada “Sawirro”. 08/09/2020 Rosemary DiCarlo meets with Somalia’s President Farmaajo on first field visit as UN Under-Secretary-General 07/06/2018 Beesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashadii ka dhacday Soomaaliland. 08/06/2021 Maraykanka oo qalab caafimaad ku wareejiyay dowladda Soomaaliya 20/04/2020 Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Cadale Ka Dhagax Dhigay Garoonka Diyaaradeed 26/11/2022 Warka Galab ee Idaacada Warsan 21/08/2020 Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi uu horkacayey wasiir Axmed Shide 18/06/2020 DFS oo si kulul ula hadashay Midowga Afrika” Qaranka Soomaaliyeed ma aqbali doono caga- jiid, been abuur ah” 10/11/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.