SAWIRO:-Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta fagaaro ku toogtay Nin Haweeneey dilay written by Warsan Radio 07/06/2022 Waxaa maanta fagaaro kuyaalla Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu toogtay Nin dhawaan Haweeneey deyn ku laheyd dilay Kaas oo Maxkamadda Gobolka Baay ay dil toogasho ah ku riday.Ninkan oo lagu Magacaabayay Maxamed Xasan Maxamed (Goomeey) ayaa Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Aamina Maxamed Malaaq ay ka dalbatay in uu siiyo lacag ay ku laheyd, balse uu ugu yeeray gurigiisa si uu ugu wareejiyo maadaama uusan lacag u heyn, hayeeshee uu dilay.Ciidamada nabdsugida Maamulka Koonfur Galbeed oo baadi goob dheer u galay kiiskaas ayaa Musqul kasoo saaray Meydka Haweeneyda Maalintii Sabtida aheyd ee la soo dhaafay , waxaana Alle ha u Naxariistee Aamina Maxamed Malaaq ay aheyd Haweeneey ka Ganacsan jirtay Dharka.Boqolaal kamid Shacabka Magaalada Baydhabo, Saraakiil katirsan Maxkamadda Gobolka Baay iyo ehellada Haweeneyda ayaa ku sugnaa goobta toogashada, kuwaas oo sheegay in si cadaalad ah kiiskaasi loo dhameeyay.Bulshada kunool Gobolka Baay gaar haan Magaalada Baydhabo ayaa aad uga naxay dilka Haweeneyda Magaalada Baydhabo loogu geystay kadibna meydkeeda musqusha loogu riday, waxaana uu ahaa mid si weyn looga hadal haayay degaannada Koonfur Galbeed. SAWIRO:-Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta fagaaro ku toogtay Nin Haweeneey dilay was last modified: June 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo kordhisey Qiimaha xajka ee Sannadkan next post Adeegga Internet-ka oo Saacado ka maqnaa Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya You may also like Guddiga lagu muransan yahay: Culeyska Siyaasadda iyo Walwalka kala dirista 21/01/2021 Madaxweynaha Turkiga oo si kulul uga hadlay gubitaanka Nuqul kamid ah Kitaabka Qur’aanka 24/01/2023 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 07/07/2022 Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamo u diyaar garoobaya Dagaalka AS 22/10/2023 Maamulka Shabakadda Warbaahinta Warsan ayaa ka hadlay barnaamijyo maalmaha ciidul Adxaa oo ay uga talagaleen dhageystayaasha Idaacada Warsan. 08/07/2022 Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu ku jiro Dabin siyaasadeed oo taxadar u baahan 14/06/2020 Qoorqoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray furumaha Koofurta Mudug 11/10/2023 NISA oo soo bandhigtay Sarkaal kasoo goostay Al-Shabaab & hub uu watay+Sawiro 29/04/2022 Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo soo gaaray Muqdisho 27/07/2020 Dhageyso Wareysi Aan la yeelaney Gudoomiye xigeenka Dooynunay xakariye cali yarow 16/02/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.