Musaabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta dhaceysa written by Warsan Radio 09/06/2022 Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in terndhada Afiisyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu caleema-saarayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkaan 2022.Ammaanka Guud ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran inta badan waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyada oo Magaalada la saaray bandow kasoo billaawday xalay abaara 100: 00 Habeenimo kuna eg 5:00 Galabnimo ee Maanta.Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax Heer Caalami ah oo ay kamid yihiin , Madaxweynayaasha Kenya, Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Wufuud ka kala socota dalalka, Masar, Cumaan, Koonfurta Suudaan, Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya & Madaxda Shanta dowlad Goboleed.Munaasabadda Caleema-saarka ayaa waxaa la filayaa inay khudbado kala duwan ka jeediyaan Madaxda Heer Caalami ee lagu casuumay, Madaxda dowlad Goboleedyada & Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.Magaalada Muqdisho iyo degaannada u dhow dhow ayaa siweyn looga dareemay munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo laga sugayo in Caleema-saarka kadib uu Magacaabo Ra’iisul Wasaare si loo guda galo Shaqooyinka dowladda. Musaabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta dhaceysa was last modified: June 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaafiic khasaaro geystay oo ku dhacay Xaafado katirsan Muqdisho next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada-hadalladii ugu horreeyay la yeeshay Amiirka dalka Qatar You may also like Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Guddigii uu Magacaabay 10/08/2022 Dhagey+SAWIRO:-Xuska Maanlinta Warbaahinta Aduunka oo Baydhabo laga xosay 03/05/2018 Dhageyso:-Barnaamijka Golle-Joog BBC Media Somali iyo Warsan Radio 07/07/2020 War Murtiyeed laga soo saaray shirkii ka furmay dalka Jabuuti 15/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 27/03/2022 DHAGEYSO:-XUBINTA GANACSIGA MAGAALDA BAYDHABO 31/05/2017 video:SHARIIF XASSAN OO XILKA KA QAADEY WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFKA KGS OO HOREY ISU CASILEY 16/02/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 25/11/2021 DF oo si lama filaan ah ciidamo u geysay magaalada Jowhar + Ujeedka 24/08/2020 Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan Jabuuti 18/12/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.