Musaabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta dhaceysa written by Warsan Radio 09/06/2022 Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in terndhada Afiisyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu caleema-saarayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkaan 2022.Ammaanka Guud ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran inta badan waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyada oo Magaalada la saaray bandow kasoo billaawday xalay abaara 100: 00 Habeenimo kuna eg 5:00 Galabnimo ee Maanta.Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax Heer Caalami ah oo ay kamid yihiin , Madaxweynayaasha Kenya, Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Wufuud ka kala socota dalalka, Masar, Cumaan, Koonfurta Suudaan, Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya & Madaxda Shanta dowlad Goboleed.Munaasabadda Caleema-saarka ayaa waxaa la filayaa inay khudbado kala duwan ka jeediyaan Madaxda Heer Caalami ee lagu casuumay, Madaxda dowlad Goboleedyada & Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.Magaalada Muqdisho iyo degaannada u dhow dhow ayaa siweyn looga dareemay munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo laga sugayo in Caleema-saarka kadib uu Magacaabo Ra’iisul Wasaare si loo guda galo Shaqooyinka dowladda. Musaabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta dhaceysa was last modified: June 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaafiic khasaaro geystay oo ku dhacay Xaafado katirsan Muqdisho next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada-hadalladii ugu horreeyay la yeeshay Amiirka dalka Qatar You may also like Akhriso:-Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka oo amaro culus ku soo rogtay Shirkadaha Isgaarsiinta ka howl gala dalka. 04/04/2019 Shariif Sh. Axmed “Waxaan hay’adaha amniga ugu baaqayaa inay waqtigooda geliyaan ka hortagga argagixisada” 04/04/2021 Video:-Golaha Wasiirada oo kulankoodii caadiga ahaa uga hadlay qodobo dhowr ah 26/10/2017 Muwaadinin Soomaaliyeed oo lagu la,yahay xeebaha dalka Giriiga 24/09/2022 Dhageyso:-Wareysi Xasaasi ah oo aanu Layeelanay Xuseen Barre Jeex Gadoomiyaha Baraawe. 18/05/2017 Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Maqaayad ku dhow Dekeda Muqdisho 03/08/2020 Burcad Dil u geysatay Muwaadin Soomaali ah oo gacanta lagu dhigay 09/02/2024 Golaha Shacabka Oo Loo Qeybiyay Qaraar Doorasho Qof iyo Cod Lagu Qabanayo Muddo 2 Sano 12/04/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 15/09/2020 Dhageyso:-Qeybta Shanaad (5aad) ee Barnaamijka Bidhaamiye 07/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.