lix Carruur ah oo nafaqo darro ugu geeriyootay degmo katirsan Gobolka Hiiraan written by Warsan Radio 20/06/2022 Waxaa sii xoogeysanaya xaaladaha nafaqa darro iyo Abaarta kajirta degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, taas oo saameysay dad iyo Duunyo, iyada oo Carruur dhowr ah ay u geeriyoodeen.Agaasimaha Isbitaalka degmada Maxaas Yaxye Cabdi Garuun ayaa sheegay in lix Carruur ah ay degmada ugu geeriyoodeen xaaladaha nafaqa darro, welina ay sii jirto xaaladda macluusha ah.Agaasimaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in Abaarta iyo nafaqa darrada ay siweyn u saameysay dadka kunool tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas , sigaar ahna u saameysayCarruurta da’doodu ka yartahay shanta sano, isla markaana maalin walba ay nafaqa darro ay u geeriyoodaan laba ama Saddex Caruur ah.Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in degmada Maxaas xilligaan aysan jirin hay’ado ka howlgalla, sidoo kalena aysan wax gurmad ah ka helin Wasaaradda Caafimaadka heer Federaal oyo Heer dowlad Goboleed.Sidoo kale wuxuu sheegay in Isbitaalka degmada Maxaas uu yahay Isbitaal ay ku tiirsan yihiin dadka ka kala yimaado degmooyinka Ceelbuur iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Sh/dhexe, kuwaas oo aanan laheyn adeegyadii Caafimaad ee loo baahnaa, isaga oo walaac ka muujiyayxaalada caruurta nafaqadarada soo ridaneyso maalin walba oo tiradoodu ay sii kordheyso.Degmada Maxaas ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS,waxaana xilligaan kajira dhibaatooyin badan oo ka dhashay abaaraha. lix Carruur ah oo nafaqo darro ugu geeriyootay degmo katirsan Gobolka Hiiraan was last modified: June 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada oo kuwajahan Gobolka Gedo next post Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEF You may also like Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 28/04/2022 Dowladda Oo Shaacisay Tirada Askar Lagu Qabtay Dagaalkii Balad-Xaawo 25/01/2021 Doorasho Maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar 10/04/2022 DAAWO Bananbax Lagu taagyeereyo Mukhtaar Roobow oo Xudur Ka Dhacay DFD baaq loogu direy n faraha kala baxa 15/11/2018 Guddoomiyaha Aqalka sare oo furay kulan Aqoon-isweydaarsi ah+Sawirro 28/09/2020 Al-Shabaab oo xukun gacan goyn ah ka fulisay degaan ka tirsan Koonfurta Somaliya 02/06/2020 Faahfaahino ka soo baxaya dagaal saaka ka dhacay degmada Balcad 04/06/2020 Dowladda Ukraine oo Markab sida Qamadi farabadan soo gaarsiisay meelo kamid ah Soomaaliya 30/12/2022 Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Jubbada Hoose iyo Wararkii ugu dambeeyey 13/07/2020 Madaale oo farriin u diray Masuuliyiinta ammaaka Caasimadda Muqdisho 18/03/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.