Maamulka G/Banaadir & laamaha Amniga oo ka shiray sugida Amniga Maalmaha Xorriyadda written by Warsan Radio 20/06/2022 Maamulka G/Banaadir & laamaha Amniga oo ka shiray sugida Amniga Maalmaha XorriyaddaGuddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta oo ay Taariikhda ku began tahay (Isniin 20 June 2022) shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya ee 26 june iyo 1 da Luulyo, kaasoo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Laamaha Amaanka ee Qeybta Guud Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.Shirkaan ayaa waxa uu ahaa mid uu Duqa Magaalada Muqdisho ku farayay Madaxda Maamulada iyo Saraakiisha laamaha Amniga sidii ay ugu diyaar garoowi lahaayeen Xuska Maalmaha Qaran ee 26 June iyo 1 da Luulyo, isla Markaana loo wacyigelin lahaa Bulshada ku dhaqan Caasimada lana gaarsiin lahaa fariinta Duqa Magaalada ee ah in laga wada qeyb-qaato xuska Todobaadka Xorriyadda iyadoo la fulinayo Awaamiirta Maamulka Gobolka Banaadir ee ah in Astaanta Qaranka la suro Guryaha iyo Goobaha Ganacsi ee saaran Wadooyinka waaweyn ee Magaalada iyo sidoo kale in laga wada shaqeeyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimada.Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Magacaabay Guddi Heer Gobol oo isugu jira Guddoonka Maamulka Gobolka, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayna hogaamineyso Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) kuwaasi oo ka shaqeyn donna Xuska Todobaadka Xorriyadda, isla markaana la fal-geli donna Guddiga Heer Qaran ee Xuska Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya. Maamulka G/Banaadir & laamaha Amniga oo ka shiray sugida Amniga Maalmaha Xorriyadda was last modified: June 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Wasiir Beyle” Waa abeen abuur Aniga ma dhihin khasnadda dowladda waa buuxdaa” next post In ka badan 200 oo qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Itoobiya You may also like Dhageyso:-Kal fadhiigii labaad ee Aqalka sare federaalaka somaaliya oo ka furmey Mugdisho 14/07/2017 DAAWO Viseo:-Qaraxa Muqdisho Ka Dhacay Maanta Gaar Ahaan Hotel Nasa Hablood. 28/10/2017 Hay’adda WHO oo soo saartey digniin la xiriirta Coronavirus 17/04/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 22/04/2020 Dad lagu la’yahay Fatahaadda webiga Shabeelle uu gaystay Afgooye 22/07/2020 Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay dadkii lagu laayay Gaalkacyo. 15/06/2019 Dhageyso:-Maamulka Degmada Tiyeeglow Oo Wada Sidii dib ay U celin Lahayeen Shacabkii Dhawaan Kasoo Cararey 01/08/2016 Itoobiya” Waxaan dilnay 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab” 06/08/2022 Hogaamiyihii Afgembiga Kula Wareegay Burkina Faso Oo Taageerayaashooda Baaq U Diray 03/10/2022 Soomaaliya oo buuxin weyday sharuudihii ay kaga mid noqon lahayd ururka bulshada bariga Afrika 28/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.