Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow written by Warsan Radio 22/06/2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan xirnaanshaha wadaadka Muqtaar Roobow oo u xiran dowladda & sida dowladda Soomaaliya ay ka yeeleyso xarigiisa.Guddoomiyaha oo isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi la hadlay tv-ga Universal wuxuu sheegay in ka guddoomiye ahaan uu horay u cadeeyay mowqifkiisa, isla markaana Muqtaar Roobow si sharci darro ah ay u xirtay dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Wuxui hadalkiisa uu intaasi kudaray in Rooboow uu ahaa Nin leh hami siyaasadeed si uu u hoggaamiyo Maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee iyada oo aan wax maxkamad ah oo dambi ku heysata la soo taagin uu u xiran yahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka tashan doonto xarigiisa, isla markaana dhawaan ay go’aan ka gaari doonto.Horaantii Bishii December ee sanadkii 2018-kii ayaa dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo adeegsaneysa Ciidamo Itoobiyan ah waxaa ay Magaalada Baydhabo kasoo xjrtay Muqtaar Rooboow oo xilligaas ahaa musharrax Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Ukraine oo la heystayaal ku tilmaamay wadamada Afrika next post Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne You may also like Ciidamada Milateriga Somaliland oo isaga baxay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag 26/01/2023 Dhageyso+Wareysi”Ciidamada KGS Ayaa Waxaa Ay Howlgalo Kasameyeen Toolada Jamiicada Ee Hoos Tagta Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Baay 02/08/2016 Xildhibaanad hore oo lagu dilay Caasimadda Afgaanistaan. 15/01/2023 Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar 07/08/2022 Sacuudiga Oo Dilay Nin Weerar Ku Qaaday Fanaanii Ajaanib Ah 19/04/2020 Sagaal kamid ah askarta ciidamada AMISOM oo la galiyay xaalad karantiil ah 02/05/2020 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay Kaddib Shirkii Isbeddelka Cimilada 06/12/2023 Tartanka kama dambeysta ah ee Galmudug iyo Banaadir oo ka socda garoonka Eng. Yariisow 31/12/2020 SAWIRO:Sawiro:Isbitalka Tiirow Oo Gurmad Daawo Lacag La’aan ah Gaarsiiyey Degmada Berdaale ee gobalka baay 21/11/2019 Sucuudiga oo shaqaalaha dowladda ka jaray lacagta Gunnada 13/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.