Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay written by Warsan Radio 24/06/2022 Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa waraaqaha aqoonsiga ergeynimo ka gudoomay Ergeyga cusub Dowladda Soomaaliya u fadhin doona ergada joogtada Soomaaliya u qaabilsan Ururka (OIC) Dr ibraahim Aadan Muuse.Munaasabadda gudbinta iyo guddoonka waraaqaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Ururka ee magaalada jiddah ee dalka Sacuudi carabiya ayaa labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen baahida loo qabo sidii loo horumarin lahaa siyaasadda iyo istiraajiidiyadda uu ururka (OIC) ugu talo galay xaqiijinta himilooyinka dunida islaamka.Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa sheegay in maamulka Sare ee Ururka ay gacan weyn ku siin doonaan xilka loo soo magacaabay Dr ibraahim Aadan Muuse.Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacaawday Ururka OIC Dr ibraahim Aadan Muuse ayaa dhankiisa u mahad celiyay Xoghayaha guud ee Ururka (OIC) sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyay ururka, isaga oo ballan qaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka wanagsan oo ay Soomaaliya la leedahay Ururka.Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa waxaa ku Midoobay ilaa 57 dal oo ah wadamada Islaamka, waxaana la Aas’aasay Sanadkii 1996-kii, iyada oo Soomaaliya laheyd fikradii lagu sameeyay Ururkaas. Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah next post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan You may also like Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan 25/06/2022 Dowladda Somaliya oo Amaro kusoo rogtay Gaadiidka Dadweynaha 23/04/2020 Madaxweyne Laftagareen & hay’ado samafal oo ka hadlay fatahaadaha Shabeellada hoose 04/08/2020 Shiinaha oo si adag uga horyimi xiriika Somaliland iyo Taiwan 19/08/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 07/04/2021 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 19/07/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 03/09/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 22/11/2020 Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta (SAWIRRO) 30/08/2020 DAAWO BEESHA HUBEER EE DIGIL IYO MIRIFLE OO MAANTA KA SOO HORJEESTAY DOORATEY SHALEY MALAAQA GUUD EE BEESHA 26/02/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.