QM oo mar kale qeylo dhaan ka muujisay abaarta ka jirta Soomaaliya written by Warsan Radio 25/06/2022 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay Jimcihii in ay raadinayso 993.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah iyo mid nololeed si looga hortago macluusha loogana jawaabo abaarta Soomaaliya marka la gaaro bisha December.Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa sheegay in saameynta abaarta iyo cadaadiska dhaqaale ee sii kordhaya ay sii kordhinayaan in dalka uu qarka u fuulo macaluul.“Ku dhawaad boqolkiiba 50 dadka 7.7 milyan oo qof waxay u baahan yihiin nooc ka mid ah gargaar bini’aadantinimo, kuwaas oo 7 milyan oo ka mid ah lagu qiyaasay inay abaartu saamaysay,” OCHA ayaa ku sheegtay waxqabadkeedii ugu dambeeyay ee abaaraha iyo ka hortagga macluusha.“Abaartu waxay baabi’isay nolosha dadka ugu nugul, iyo dadka la haybsooco, oo ay ku jiraan haweenka, carruurta iyo beelaha laga tirada badan yahay, nafaqo-xumada ba’an ee carruurta ayaa sii kordheysa.” ayaa lagu yiri warbixinta.Afar roobab oo is xigxigay oo la waayay ayaa sababay abaartii ugu darneyd ee dalka soo marta muddo 40 sano ah, waxaana malaayiin qof ay qarka u saaran yihiin macluushii ugu darneyd. QM oo mar kale qeylo dhaan ka muujisay abaarta ka jirta Soomaaliya was last modified: June 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Villa Soomaaliya oo beenisay in Madaxweyne Xasan Sheekh tagay Israel next post Gaadiidleyda Kenya oo ay soo wajahday cabsi uga timid ururka Al-Shabaab You may also like Dhageyso: Tababar Labo Maalin Socday Oo Loo Qabtay Xildhibanada Goliyaasha Degmooyinka Xudur Iyo Berdaale. 02/07/2019 Dowladda Federaalka oo u digtay dadka cadaallada u doonta Maxkamadaha Al-shabaab 13/01/2021 Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 04/04/2023 Laba Diyaaradood Oo Ka Qeyb Qaatay Dagaalkii 2-Aad Ee Adduunka Oo Burburay 13/11/2022 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 26/11/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 30/10/2020 Itoobiya oo diyaarisay ciidamo difaaca biyo xireenkeeda la isku heysto ee wabiga nile. 06/07/2021 Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ku Amray Ciidamada Inay Ka Amarqaataan Xukuumada 27/12/2021 Safaaradda Mareykanka oo shaacisay arrimihii ay kala hadashay Axmed Madoobe, Deni iyo Xasan Sheekh 03/09/2020 Puntland iyo Galmudug oo gaaray heshiis ka kooban Shan qodob 06/11/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.