Puntland iyo Galmudug oo gaaray heshiis ka kooban Shan qodob written by Warsan Radio 06/11/2022 Kulankaan oo looga hadlayay Xoojinta Amniga, Xasiloonida iyo wadajirka Bulshada Gobolka mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari, Gudoomiye ku xigeenka dhanka Puntland Waloore ,Odayaasha dhaqanka iyo laamaha amniga ayaa lagu qabtay Deegaanka Laama Ari-boob ee Gobolka mudug.Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Bulshada Reer guuraaga ah iyo xal u helida deegaamaynta dhulka xoolo daaqeenka ah taas oo marar badan kusoo noqnoqday inta u dhaxaysa Deegaano horay looga heshiiyay inay xoolo Daaqeen noqdaan.Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa laga soo saaray ugu dambayntii qodobo qeexaya ilaalinta Amniga.1-Guddiga 14 xubnood ah oo dhaqan ah isla markaana xog ogaal u ahaa heshiisyadii degaanada oo ugu dambeeyay Heshiisyadii Bandiiradley iyo Goldogob.2 in la keeno heshiisyadii la kala Qortay.3 in todobaarkaan layskugu yimaado shir lagu dhamaystirayo hirgalinta heshiisyadii hore.4 in dib loogu laabto heshiisyadii Bandiiradleey iyo Galdogob.5 ilaalinta soodimaha ayna u xilsaaran yihiin Ciidamada Isku dhafka ah oo ay xoojinayaan Ciidamada Booliska Iyo Daraawiishta labada Dowlad Goboleed. Puntland iyo Galmudug oo gaaray heshiis ka kooban Shan qodob was last modified: November 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Kenya oo faah faahisay sababta ay ciidammo ugu direyso Kongo You may also like Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 21/08/2022 Sawiro:-Tababar lagu baranayay dowlad wanaaga oo lagu qabtay magaalada baydhabo 15/08/2022 Somaliland oo Xukun ku ridday Gabar Wariye ah oo muddo u Xirnayd 15/08/2023 Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka. 15/10/2022 Xasan Sheekh oo ka digey in la carqaladeeyo Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada 10/07/2020 Dowladdaha Somalia Iyo Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal 17/08/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka warsan 23/08/2018 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 02/03/2020 video:-Madaxweynaha JF Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga 27/09/2017 DHAGEYSO:-BARNAMIJKA KULANKA WARSAN 18/07/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.