Ciidanka NISA oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho written by Warsan Radio 05/07/2022 Ciidanka Gaarka ah ee NISA ayaa waxaa ay xalay howlgallo ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, sida Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.Howlgalladaan ayaa ka danbeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka, kuwaasi oo ka cabanayay Tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay Tuugada dhaca u gaystay, waxaana uu sheegay in ciidamadu howlgallada ay wadayaan sidoo kalana gacanta lagu soo dhigi doono qof kasta oo qal-qal galisa amniga magaalada Muqdisho.Intii lagu jiray Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, waxaana ciidamadu ay u gudbiyeen Booliska si baaritaano loogu sameeyo.Bilihii la soo dhaafay Shacabka kunool badi degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanayay iyo Ciyaal weero. Ciidanka NISA oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho was last modified: July 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Radio Warsan next post Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/04/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 19/12/2020 Dhageyso:- Warka Fiidnnimo ee Idaacada Warsan 14/08/2022 DHAGEYSO:-FADIILATU SHEIKH XASAN GAAB CASHARKA 5AAD TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA AH JIMCO 05/11/2017 Akhriso: Guddiga Doorashada Ee Lagu Muransan Yahay Oo Dalab U Diray Madaxda Maamul Goboleedyada 27/12/2020 Shabaab oo burburiyay Saldhigga Booliska Matabaan 14/12/2021 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Baaq u diray Bulshada Caasimadda 03/08/2023 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir uga qeyb galaya dalka Jabuuti 23/10/2022 Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta dood xasaasiya ku leh Muqdisho 22/06/2020 Dowlad Xirtay Shaqaale Ka Tirsan Sirdoonkeeda Oo Basaas U Ahaa Ciidamada Ruushka 23/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.