Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 05/07/2022 Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ka furmo meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD, kaas oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka ku midoobay Urur Goboleedka IGAD.Shirka ayaa qorshuhu ahaa in Soomaaliya uu uga qeyb galo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse booqasho uu u aaday dalka Turkiga, waxaana matalaya oo Magaalada Nairobi gaaray Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaaladaha dalalka ay kajiraan colaadaha, sida Soomaaliya oo amni daro weyn ay kajirto, xiisadda u dhaxeeyso dalalka Itoobiya iyo Suudaan iyo sidoo kale dagaalada sokeeye ee kasocda Itoobiya.Sidoo kale waxaa shirka siweyn loogu falan qeyn doonaa Arrimo ku saabsan saameynta ka dhalatay Abaaraha iyo sida looga gudbi karo, iyada oo dalalka sida weyn ay abaarta u saameysay ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Guud ee dalka, sida Amniga & Abaaraha, isaga oo sidoo kale inta uu shirka socdo kulamo doceedyo la qaadan doono Madaxdanka qeyb galeysa Shirka.Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa sanad walba shira, iyaga oo markaasi siweyn uga hadla xaaladaha iyo dhibaatooyinka kajira dalalka ku mideysan IGAD, waxaana laga soo saaraa Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay Madaxda ka hadleen. Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa was last modified: July 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Dhageyso : Gudoomiye Watiin oo Baydhabo Ku soo Laabtey . 09/05/2018 Video Kalfadhigii Maanta Mudaniyaasha BKGS, Ayaa Waxaa Ay uga Hadleen Arimo La xiriira Musuq Maasuq iyo Wax isdaba Marin Ay Sameeyen Gudiga Gurmadka Abaaraha 15/04/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 20/02/2022 Madaxweyne Geelle oo markii 5aad xilka loo doortay 10/04/2021 Lafta-gareen oo badi xildhibaannada Koonfur galbeed lagasoo doorto Muqdisho kula kulmay 29/09/2020 Guddoomiye Cumar Filish oo kormeer Amni sameeyay ka hor xafladda Caleemo-saarka 08/06/2022 Dowladda Kenya oo war ka soo saartay diyaaradeedii militeriga ee ku dhacday Dhoobley 04/08/2020 Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka Caalamka 14/06/2022 Somalia denies civilian casualties in U.S airstrike, says targets were Shabaab militants 16/04/2020 SRSG James Swan Remarks to the Security Council on the Situation in Somalia 21 November 2019 21/11/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.