Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Kiiskii dacwada weriye Gurbiye oo maanta go’aan laga gaarayo 29/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 14/11/2021 laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay, Rasaas, Maandooriye & dad ka Ganacsanayay 28/06/2022 SAWIRO:- Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ka dhaceysa Afisiyooni & kormeer lagu sameeyay 25/04/2022 Dhageyso:Warka Duhur 16-09-2016 16/09/2016 Duqeyn lagu dilay Dagaalyahano ka tirsan AS oo Maanta la fuliyay 19/01/2024 Wararkii ugu dambeeyay Dagaal beeleed Khasaare geystay oo ka dhacay Galgaduud 27/06/2020 Ciidanka Kumaandooska Gor Gor oo Sheegay inay dileen xubin sare oo AL-Shabaab ka tirsan 20/11/2023 Akhriso:-Saraakiil iyo ciidamo loo xiray arrimo la xiriira musuqmaasuq 25/08/2018 Taliska Booliska oo ka hadlay Qarax uu ku dhintay Aabe iyo caruur uu dhalay 28/04/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.