Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa Ereteriya written by Warsan Radio 10/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya ayaa la filayaa in uu kulan la qaato dhiggiisa dalkaas mudane Isaias Afwerki.labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal yeellan doonaan iyo Arrimo kale oo ku saabsan Geeska Afrika.Dalka Eritrea ayaa waxaa ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah oo tababar ay ugu dirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Dhalinyarada loogu qaaday tababarka Eretria, ayaa muddo dheer waxaa hareeyay su’aalo badan oo ku saabsan badqabkooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in qaarkood ay ka qeybgaleen dagaalkii Ethiopia. Warkan ayaan loo heyn wax caddeyn ah oo xaqiijinaya.Waalidiinta qaar ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho iyaga oo dalbanayay xogta la xiriira caruurtooda.Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafladdii xil-wareejinta ku wareejiyay gal gaar ah oo la xariira xogta dhallinyarada ciidanka ah ee tababarka loogu diray Eretria. Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa Ereteriya was last modified: July 10th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan next post Laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Rag dhac ka geysanayay You may also like Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay doorasho hal dhinac ah xiriirka kubada cagta 24/12/2022 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 26/06/2022 Akhriso:-Maraykanka oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Saldhigga weeen ee Beled-doogle 30/09/2019 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 13/08/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 09/02/2023 Taliyaha Booliska oo faahfaahiyay Khasaaraha Qaraxyo ka dhacay Muqdisho. 15/06/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 06/06/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 12/06/2021 Qaramada Midoobey oo Sheegtay in 200,000 oo Qof Ayaa Ku Barakacay Fatahaadaha 07/08/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 15/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.