Al-Shabaab oo weeraray degaanka Janaale iyo dagaal ka dhacay written by Warsan Radio 14/07/2022 Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya kuleeyihiin degaanka Janaale oo hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leyska adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.Saraakiil katirsan Ciidanka Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen dagaal kooban oo ka dhacay degaanka Janaale.Sidoo kale saraakiisha ayaa degaanka Janaale kusoo bandhigay meydka hal Xubin oo katirsan Al-Shabaab, kaas oo dagaalka lagu dilay.Taliyaha ururka 83-aad ee October Gaashaanle Sare Nuuradiin Xuseen ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay howdka degaanka Janaale ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dagaalamayaal kayirsan Al-Shabaab ee degaanka soo weeraray.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan. Al-Shabaab oo weeraray degaanka Janaale iyo dagaal ka dhacay was last modified: July 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Radio Warsan next post Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan dalka Kenya You may also like Dowladda Itoobiya oo shaacisay magacyada saraakiil sare oo ay ka dishay Tigray 02/01/2021 Mudanayaal kale oo Maanta qaatay Shahaadada Xildhibaannimo 10/04/2022 Soomaaliya oo laga diiwaan geliyey dad cusub oo laga helay cudurka Coronaviris 02/06/2020 Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab iyo Madaxweynaha degaanka oo ka hadlay 26/07/2022 Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada 09/05/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 25/06/2020 Madaxweyne Laftagareen oo faah faahiyay waxyaabihii uu kala hadlay Safiirka Itoobiya 19/09/2021 Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Gaana 07/02/2022 Xukunka Ra’iisulsuwasaaraha Israel oo qarka u saaran mid dhammaad ah 31/05/2021 Video:-Muxuu Guddoomiyaha Baarlamaaka Jabuuti u Yimid Magaalada Muqdisho? 23/11/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.