Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Bari written by Warsan Radio 19/07/2022 Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay inta u dhexaysa Tuulooyinka laas Barwaaqo iyo Kunaso oo hoostaga Degmada Carmo Ee Gobolka Bari.Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari Hoomeey ah iyo Gaari kale oo nooca raaxada ah, waxaana shilkaasi Isbitaalka Magaalada Carmo ugu dhintay hal ruux oo dhaawac culus uu kasoo gaaray shilka halka 6 Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Goobta shilka uu ka dhacay ay tageen Ciidamada Booliska degmada Carmo iyo dad Shacab ah, kuwaas oo u gurmaday dadka Shilka ku dhaawacmay, iyaga oo geeyay Isbitaalka Magaalada Carmo ee Gobolka Bari.labada Gaari ee shilka galay oo mid ka yimid dhinaca Magaaalada Boosaaso midna uu kusii jeeday Magaalada Boosaaso ayaa waxaa gaaray burbur xoogan maadaama si awood ah ay isugu dhaceen.labadii Sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Puntland kubatay shilalka Gaari, iyada oo ay ku dhinteen dad u badan Dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood u Shaqeeynayay dowlad Goboleedka Puntland. Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Bari was last modified: July 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Mareykanka oo War kasoo saaray duqeyn uu la beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab next post laamaha amniga oo gacanta ku dhigay Askari ku eedeysan dilka taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug You may also like Gollaha wasiirrada oo meel mariyay wax ka badalka xeerka saxaafadda 14/07/2017 War-murtiyeed laga soo saaray shirkii madaxda Soomaaliya iyo dalalka safka hore 01/02/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 13/05/2021 Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland oo ku geeryooday geeriyooday Nairobi 12/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/12/2018 RW Xamse oo ballan qaad u sameeyay Ciyaartoyda 17 jirada ee Muqdisho kusoo laabanaya 17/10/2022 Guddiga Qaran Ee Ka hortagga COVID-19 Oo Shaaciyay Inay Kordheen Xaaladaha Dadka Uu Soo Ridanayo Iyo Bukaannada u Geeriyoonaya COVID-19 25/04/2020 Aktarka Caanka ah Amitabh Bachchan oo la dhigey Isbitaal kadib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19 12/07/2020 Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay shirka Dhuusamareeb inuu noqdo mid loo dhan yahay 04/02/2021 Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka war bixiyey kulan uu la qaatay Qoor Qoor 12/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.