Baydhabo-{WMN}-Ukraine ayaa maanta u dabaaldegaysa maalinta xorriyada, xilli maanta sidoo kale ay lix bilood ku buuxdo, markii Ruushku uu weeraray dalkaasi.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa shacabkiisa ugu baaqay feejignaan, sababo ku aaddan Moscow oo maanta gaysan karta duqayn ballaaran.
“Arbacada maanta waa maalin muhiim inoo ah dhammaanteen, taasina waa sababta ay maalintani sidoo kale nasiibdarro ay muhiim ugu tahay cadowgeena. Waa inaan ogaano in daandaansiga Ruushka ee naceybka ku saleysan iyo weerarada arnxadarrada ah ay suurtagal yihiin” Ayuu yiri Madaxweyne Zelenskyy.
Zelenskyy ayaa yiri “Ciidamada Qalabka Sida iyo bulshada waxay samayn doonaan wax walba, si ay u ilaaliyaan dadka intii suurtagal ah. Waxaa hubaal ah in aan ka aargudan doono nooc kasta oo argagixiso Ruush ah, balse fadlan hubi inaad raacdo shuruucda amniga ee maanta, fadlan ilaali bandowga, u fiirso seeriga digniinaha ee duulaanka, una fiirso ogeysiisyada rasmiga ah, oo xusuusnow dhammaanteen waa inaan guuleysanaa.”
Ukraine ayaa Arbacadan u dabaaldegaysa 31 guurada ka soo wareegatay, markii dalkaasi uu ka go’ay Midowgii Soofiyeet.
Xuska sanadkan ayaa ku soo aadaya, xilli dalkaasi uu si weyn ugu burburay duulaanka Moscow ee lixda bilood jirsaday.