Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay Dhalinyaro ku xayirnaa dalka liibiya written by Warsan Radio 27/09/2022 Xafiiska Ergayga Gaarka ee Dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugusoo celiyey 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan, oo Magafe ka soo baxsaday, ka dibna yimid Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyagoo la soo xariirey Xafiiska Ergayga Gaarka ah.Waxaa Garoonka Diyaarradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta Amb. Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo xubno ka mid ah Xafiiska Ergayga Gaarka ah.Amb. Maryan oo dedaalkaan soo wadday Illaa iyo 2016 ayaa dalkooda ku soo celisay dhallinyaro tiro badan oo ku jiray xabsiyo kala duwan isla markaana baadi goob u gashay samo-tabixinta dhallinta ku go,doonsan daafaha caalamka, iyadoo uga mahad celisay Madaxwenaha dalka iyo Ra’iisul Wasaarah dadaalka ay galiyeen badbaadda dhallinyarada Soomaaliyeed.Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo la kulmay dhiiggiisa Liibiya ayaa kala hadlay badbaadada Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku xayirran sidii dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyoDowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay dadaal dheer ugu jirto in muwaadiniinta Somaaliyeed ee xabsiyada dalalka kala duwan ku jira iyo kuwa ku dhibaateysan isla markaana ku xayiran dalalkaas in ay dalkoodu dib ugu soo celiso. Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay Dhalinyaro ku xayirnaa dalka liibiya was last modified: September 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in degaano horleh lagala wareegay Al-Shabaab next post Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan You may also like Dagaallo ka dhacay South Sudan oo ay 300 oo ruux ku dhinteen muddo isbuuc ah 21/05/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 23/01/2023 Puntland oo ka hadashay dil ka dhacay Gobolka Mudug 16/01/2023 Daawo:-Sawirada Xafladii Abaal Marinta Tartan Aqooneedkii Ramadaan 24/05/2021 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA, 21/03/2017 Madaxweynaha Galmudug oo deg deg ku imaanaya Magaalada Muqdisho 27/12/2021 Masar oo la amaahinayo 12 bilyan oo doolar 12/11/2016 AKHRISO:- Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegtay ciidamadii ay Imaaraadku tababarayay 21/04/2018 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 12/01/2021 DHAGEYSO:- QAAR KAMID AH SHACABKA KU NOOL MAGALADA BAYDHABO OO DHAWEEYEY HORMARADA AY KAJIRAAN MAGALDAASI>> 27/11/2016 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.