Dagaal culus oo maanta ka dhacay degaanka Ceel Qooxle written by Warsan Radio 29/09/2022 BELEDWEYNE — Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa lagu dilay dagaal culus oo maanta degaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidanka degaanka ee Macawiisley iyo kooxda Al-Shabaab.Dadka ku dhintay dagaalka maanta waxaa ku jiray nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo hormuud u ahaa kacdoonka Al-Shabaab loga soo horjeedo ee ka socda gobalka Hiiraan.Dagaalka oo ku billowday qarax xoog leh ayeey labada dhinac isu adeegsadeen hub culus.Degaanka Ceel Qooxle oo u dhow xadka goballada Hiiraan iyo Shabellehaha Dhexe ayaa waxaa dhawaan Al-Shababab kala wareegay ciidanka degaanka.Sida ay VOA u sheegeen ilo-wareedyo degaanka ku sugan, xaaladda ayaa hadda degan, waxaana degaanka Ceel Qooxle ku sugan ciidanka deegaanka ee Macawiisley.Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa facebook uga tacsiyeeyey geerida nabadoon Cilmi.“Mujaahid Cilmi wuxuu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, wuxuuna astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kuwa dadkeenna nabadda iyo xasiloonida u diiday,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.“Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu Mujaahid Cilmi ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa.” Dagaal culus oo maanta ka dhacay degaanka Ceel Qooxle was last modified: September 29th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan next post Fartuun Aadan iyo Ilwaad Elman oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah You may also like Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 22/05/2022 Dagaal ka qarxay xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne 04/07/2021 IGAD oo rajo wanaagsan ka muujisay Wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland 17/07/2020 Deni oo ka horyimid sharciyada Doorashada,Shidaalka iyo dib-u-eegista dastuurka ayaa soo jeediyay wadahadal DFS& DGD. 09/01/2020 Wasiirka Haweenka XFS oo qaabishay ergeyga Norway u qaabisan Soomaaliya 28/11/2020 Maraykanka oo xidhay nin loo haytsto weerarka diyaaraddii ku burburtay Scotland, sannadkii 1988 12/12/2022 Sacuudiga oo xayiraada ka qaaday xoolaha ay u dhoofiso Soomaaliya 19/04/2020 Dhageyso+Sawiro:-Dood ku Saabsan ka qeb galka Haweenka Siyaasada . 29/06/2020 Joe Biden iyo Boris Johnson oo yeeshay wada hadal dhanka taleefanka ah . 24/01/2021 Madaxweyne laftagareen & Guddoomiyaha Waajid oo ka wada hadlay Go’doonka ay saareen Al-Shabaab degmada 05/06/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.