Ciidamo & Gaadiid dagaal oo gaaray degaanka Yasooman & dhaq dhaqaaqyo ka bilaawday written by Warsan Radio 13/10/2022 Waxaa Maanta degaanka Yasooman ee gobolka hiiraan gaaray gaadiid dagaal iyo Ciidamo aad u farabadan, kuwaas oo ka yimid dhinaca degmada guriceel ee gobolka Galgaduud si ay u caawiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa xoreynta gobolka Hiiraan ee halkaas ku sugan.Shalay degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & dadka degaanka oo dhinac ah & Al-Shabaab, kadib markii weerar qaraxyo ku bilaawday ay degaankaas ku qaadeen Ururka Al-Shabaab.Ciidamada Maanta tegay degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Xildhibaano katirsan golaha Shacabka, Guddoomiyaha gobolka hiiraan & Saraakiisha ciidamada xoogga dalka eek u sugan degaankas.Waa gurmadkii ugu horreeyay ee Gobolka Galgaduud uga yimaada Gobolka hiiraan marka laga reebo Ciidamada qeybta 21aad o mararka qaar ka qeyb geli jiray dagaalada ka socda Gobolka hiiraan, waxaana ay Ciidamadaan si toos ah ugu biiraan howlgallada ka dhanka ah urur aAl-Shabaab.Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta xilalka ka haya dowladda Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer qeylo dhaan muujiyay, iyaga oo sheegay in lagu fiirsaday dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, taas oo keentay in mid kamid ah Beelaha dega gobolka Galgaduud ay gurmad u soo diraan. Ciidamo & Gaadiid dagaal oo gaaray degaanka Yasooman & dhaq dhaqaaqyo ka bilaawday was last modified: October 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Siyaasiyiin la sheegay inay Madaxweynaha Gorgortan kula galayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab next post Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Addis Ababa You may also like Dhageyso:- Warka Fiidnnimo ee Idaacada Warsan 27/08/2022 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada warsan 29/10/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 19/05/2022 Human Rights watch oo Dowladda Maraykanka ku eedeysay inay xad gudubyo shacab ka geysatay Soomaliya 17/06/2020 DHAGEEYSO-Warka caawa idaacada warsan: 07/01/2017 Gudiga gurmadka fatahaadda Baledweyne iyo Madaxweyne Waare oo kulan kula qaatay Internetka Injineero ajaaniib ah 07/07/2020 Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Oo Goordhaw Billaaban Doonta 26/04/2022 DHAGEYSO: Warka Duhur Idaacada Warsan 08/04/2020 Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Safiirka Sweden oo Muqdisho ku kulmay 06/02/2020 Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Muqdisho 30/04/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.