Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar oo laba garab u kala jabay written by Warsan Radio 27/11/2022 Waxaa sii xoogaysanaya xiisadda ka dhex aloosantay sanadihii ugu dambeeyay kooxo ka wada tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo ku kala sugan Istanbul iyo London, waxaana khilaafkoodu uu salka ku hayaa qaab dhismeedka hoggaanka Ururka.Wixii ka dambeyay markii ciidamada Masar ay la wareegeen awoodda Masar sanadkii 2013, dhibaatooyinkii lagala kulmay hoggaanka ururka ayaa horseeday inay soo baxaan laba garab oo kala duwan, oo Turkiga iyo Ingiriiska ku kala sugan.Kadib markii mid ka mid ah madaxda ururka oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Muniir uu ku geeriyooday magaalada London ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay loolanka ka dhaxeeya labada garab.Arrintaan ayaa calaamad u ah in ururka Ikhwaanul Muslimiin, oo ka mid ah dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta siyaasadeed ee ugu weyn adduunka, uu kala jabay.Ururka Ikhwaanul Muslimiin waa urur leh taariikh 94 sano ah. Ururka Ikhwaanul Muslimiin, waxaa la aasaasay sanadkii 1928-kii waxaana aasaasay macalinkii dugsiga hoose ee Xasan al-Bannah. Sanadihii la soo dhaafay ururku wuxuu awood weyn ku yeeshay Masar iyaga oo gacan ka helaya dadweynaha. Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar oo laba garab u kala jabay was last modified: November 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Booliska Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysatay You may also like Ukraine oo Shaaciyay in Gargaar ay u soo dirayso Soomaaliya 07/09/2022 Akhriso WAR-MURTIYEED Kasoo Baxay Shirka Madaxda DFS iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadad 22/07/2020 Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeya qaban-qaabada shirka golaha wada tashiga Qaran 14/02/2021 Dhageyso:-Dood ku saabsan Siyaasada Dalka. 20/09/2020 Dhageyso;- Barnaamijka Ciyaaraha 24/01/2022 Dagaal ka dhacay degmada Qoryooley ee Shabeelada Hoose 05/05/2020 Maamulka Guud Ee Isbitaalka Degmada Xudur Oo Kawarbixiyay Adeegyada Laga Helo Isbitaalkaasi 14/01/2020 Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda degaan katirsan gobolka Hiiraan 06/11/2022 MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee ka tirsan Baarlamaanka 12/02/2024 Guddoomiye Aadan Madoobe oo gaaray Magaalada Washington 23/10/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.