Baydhabo-{WMN}-Dagaal xoogan ayaa waxaa uu weli ku dhexmarayaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dib u xoreynta Gobolka Hiiraan ee loo yaqaano macawiisleyda & Al-Shabaab degaannada Dhoqor iyo Baarrey oo qiyaas 40Km u jiro Baladweyn dhanka Halgan iyo Buulla-Burte,
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xoreynta Gobolka Hiiraan oo ka warhelay Xubno katirsan Al-Shabaab oo kasoo gudbay dhinaca wabiga, waxaana dadka degaannada lagu dagaalamayo ay sheegayaan in dagaalka uu yahay id aad u xoogan.
Saraakiil katirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa Radio Warsan u sheegay in guulo ay ka gaareen weerarka ay ku qaadeen Goobaha ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah ilaa ay ka saarayaan gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo weli ku sugan furimaha dagaalka ayaa ciidanka Dib-u-xoreynta ugu Hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay oo ay Al-Shabaab la galeen oo ka dhacay degaannada Ceel-hareeri iyo deegaanno kale.