Baydhabo-{WMN}-Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay kooxo hubeysan goordhow ka geysteen qaybo ka mid ah degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaaha Hoose.
Dilka oo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cumar ayaa ka dhacay waaxda 21-ka October ee degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya ibn dableyda dilka geysatay ay goobta isaga baxsatay, waxaana meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka qorsheysan ee loo geystay wiilkaasi dhalinyarada ahaa oo si weyn looga yaqaanay halkaasi.
Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.