Shaqaalaha dowladda Mareykanka oo laga mamnuucayo isticmaalka TikTok written by Warsan Radio 17/12/2022 Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa taageertay in lagu daro doodda miisaaniyadda maaligelinta dowladda Federaalka sharciga uu ansixiyay Aqalka Sare ee Senate-ka toddobaadkan, kaas oo ka mamnuucaya shaqaalaha dowladda federaalka Mareykanka inay isticmaalaan aaladda TikTok ee Shiinaha laga leeyahay.Afhayeen u hadlay Pelosi ayaa sheegtay inay taageersan tahay in lagu daro qodobka TikTok doodda Golaha Wakiilada ee toddobaadka soo socda.Taageerada Pelosi, oo ay weheliso tan Kevin McCarthy, oo ah hoggaamiyaha aqlibiyadda Jamhuuriga ee Aqalka, ayaa si weyn u kordhinaysaa fursadaha ansixinta miisaaniyadda dowladd Federaalka.Senetka ayaa Arbacadii u codeeyay hindise sharciyeed uu qoray Seneter Josh Hawley oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kaas oo shaqaalaha dowladda ka mamnuucaya inay App-ka Tiktok ku isticmaalaan Kumbuyuutarada iyo telefoonadda dowladda.Waxay ahayd tallaabadii ugu dambeysay ee sharci-dejiyeyaasha Mareykanku ay ku cabburiyaan shirkadaha laga leeyahay Shiinaha, iyadoo ay jirto walaac amniga qaranka ah Mareykanka ah, kaas oo Beijing ay u adeegsan karto aaladdan nooc basaasnimo ah. Shaqaalaha dowladda Mareykanka oo laga mamnuucayo isticmaalka TikTok was last modified: December 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Xildhibaano ka digay muddo kororsiga Laftagareen next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso: Warka Subaxnimo ee Idaacada Warsan 17/02/2023 Madaxweyne Deni oo Maanta furaya kal-fadhiga 46aad ee Golaha Wakiilada puntland 15/06/2020 AKHRISO: Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee baarlamaanka Puntland 30/07/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/11/2018 Maxaa looga hadlay Kulanka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaiya ? 25/05/2023 Dhageyso Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/04/2022 Dhageyso: Webiga Shabelle ee mara Gobalada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan ayaa keenay biyo badan, ka dib markii guray bilihii la soo dhaafay {warbixin} 17/04/2017 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 24/06/2020 Ciidamada Dawlada oo Hawlgallo ku bur buriyay Fariisimo Alshabaab ay lahaayeen 10/08/2023 Madaxweynaha Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb 02/06/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.