RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga dalka written by Warsan Radio 04/01/2023 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer.Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay hawlgallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.Dowladdu waxaa ay sheegtay in Hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab lagu dilay in ka badan 2000 oo Al-Shabaa ah afartii bilood ee u dambeysay.Ra’iisul Wasaaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga saaro Al-Shabaab si Bulshads ay ugu noolaadaan Amni.Waxaa kale oo uu sheegay in xukuumaddu dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.Shirka ayaa lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.Shirka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya. RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga dalka was last modified: January 4th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Qaar kamid ah dhaawacyada qaraxyadii degmada Maxaas oo la keenay Muqdisho next post Xubno katirsan Guddiga loo xilsaaray dhibaatada ka taagan laas-Caanood oo is casilay You may also like RW Xamse Barre oo Maanta xariga ka jaray Xarun baahi weyn u qabeen Bulshada 05/08/2023 Dhageyso:-Wareysi Fahad Maxamed Diiriye Gudoomiyaha Xaafada Farjano ee kismaayo 18/09/2017 Dowladda Soomaaliyeed oo albaabada isugu laabtay xaruun dumarka loogu sameyn jiray qalliino is qurxin ah 31/08/2021 Waxyeelada Fatahaad Webiga shabeelle uu ka geystay gobolka Sh/ Hoose 16/11/2023 Akhriso:-C/kariin Qalbi Dhagax oo ka hadlay sii deyntiisa iyo ciddii ka dambeysay in la sii daayo 28/06/2018 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 03/07/2022 Beesha Caalamka oo dadaal ugu jirta isu keenida DFS iyo Dowlad Goboleedyada 08/03/2021 Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika 03/02/2024 Golaha Shacabka oo codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda Magacaaban 24/10/2020 QM Waxay Dhamaan Dadka Soomaaliyeed u Rajeynaysaa Ciidul-Fitri Nabdoon oo Xasiloon 23/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.