Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay qaraxyadii degmada Maxaas written by Warsan Radio 06/01/2023 Xog-hayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si kulul u cambaareeyay labo qarax oo baabuur oo Arbacadii ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.Xoghayaha Guud ee Ururka OIC, Xiseen Ibraahim Taha ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay inay si weyn u cambaareynayaan weerarkaas, isagoo tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaas iyo dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwa ku dhaawacmay.Barqanimadii Arbacadii Al Shabaab ayaa weerar labo baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qaaday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, halkaasi oo weerarku uu ku qaaday deegaan ka kooban guryo, maqaayado iyo dukaamo, waxaana ku dhintay 35 ruux, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay qaraxyadii degmada Maxaas was last modified: January 6th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post DHAGEYSO:-WARKA DUHURNIMO EE IDAACADA WARSAN next post Mareykanka oo abaal-marin lacageed dul-dhigay Sarkaal loo heysto weerarkii Al-Shabaab ee Manda Bay You may also like Dhageyso:-Dowladda Somaliya oo ku dhawaaqday inay fasaxday duulimaadyadii Kismaayo 28/09/2019 Itoobiya oo diyaarisay ciidamo difaaca biyo xireenkeeda la isku heysto ee wabiga nile. 06/07/2021 Qofkii u horreeyay oo madow ah oo loo magacaabay Xoghayaha difaaca Mareykanka 08/12/2020 Putin iyo Kim Jong oo qorsheysanaya Arrin halis ku ah Dowladda Ukraine 05/09/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 26/02/2021 DHAGEYSO:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 26/03/2020 Aqriso: Warbixin Kusaabsan Xaalada Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay 15/02/2019 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada warsan 29/10/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 19/12/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 07/05/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.