Mareykanka oo abaal-marin lacageed dul-dhigay Sarkaal loo heysto weerarkii Al-Shabaab ee Manda Bay written by Warsan Radio 06/01/2023 Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu bixin doono lacag dhan 10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah si loo soo qabto Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo lala xiriirinayo weerarkii 2020-ka lagu qaaday Saldhig Ciidamada Cirka Kenya ay ku leeyihiin oo lagu dilay Saddex Mareykan ah.“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka (RFJ) oo ay maamusho Hay’adda Ammaanka Diblomaasiyadda, waxa ay ku bixinaysaa abaal-marin dhan 10 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah ciddii keenta xog horseedi karta in la soo xiro ama lagu xukumo dal kasta oo Macallin Ayman ama qof kasta oo dalkasta galey, isku dayey, ama maleegay in uu geysto, ama gacan ka geystay fulinta weerarkii Al-Shabaab ee Janaayo 5, 2020 ee shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee garoonka Manda Bay ee Kenya.”Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa rumeysan in Ayman uu mas’uul ka ahaa qorsheynta weerarka Janaayo 2020.Macalin Ayman ayaa hogaaminaya Jaysh Ayman oo ah cutub ka tirsan Al-Shabaab oo la aas aasay sanadkii 2013 si ay howlgalo uga fuliyaan gudaha Kenya. Kooxdan ayaa waxaa loogu magacdaray Macalin, kaasoo sida la sheegay ka soo jeeda degmada Mandheera. Kooxda ayaa fariisimo ka sameysatay dhulka howdka ah ee keymaha Boni ee gobolka xeebta Kenya ee Lamu.Labo duuliye oo qandaraasleyaal Mareykan ah iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay weerarka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qandaraasle Mareykan ah iyo labo askari oo kale.Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Ayman u aqoonsatay Argagixiso Gaarka ah oo Caalamiga ah bishii Noofambar 2020. Al-Shabaab waxaa loo kala saaray Urur Shisheeye iyo Argagixiso Caalamiga a bishii Maarso ee sanadkii 2008-dii. Mareykanka oo abaal-marin lacageed dul-dhigay Sarkaal loo heysto weerarkii Al-Shabaab ee Manda Bay was last modified: January 6th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay qaraxyadii degmada Maxaas next post Sarkaal ka tirsan Daacish oo loo qabtay Qarixii uu ka badbaaday Madaxweyne Buhari You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Arimaha Bulshada gaar aahan Caafimaadka 23/08/2020 DHAGEYSO:-Warka Caawa ee Idaacada Warsan 28/04/2020 Wararkii ugu dambeeyay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Beledweyne 05/08/2022 dhageyso:-Xafiiso Cusub Oo ay yeelaneyso wazarada Dib Udajinta Qoxootga Jaliyadaha KGs ayaa Manata Xariga Ka jer Madaxweynaha Maamulka Kgs 19/02/2017 Akhriso: Go’aanka Maamulka Puntland ee Xaaladda Doorashada Soomaaliya 22/04/2021 Howlgal Guri Guri ah oo ka billaawday Muqdisho kadib weerarkii Xarunta Gobolka 25/01/2023 Jubbaland Iyo Guddiga Loo Xil Saaray Arrinta Garbahaareey Oo Kulankii Ugu Horreeyay Yeeshay 04/03/2022 RW Xamsa oo Kulan Sagootin ah la qaatay Wakiil Qaramada midoobay ee Soomaaliya 04/05/2024 Akhriiso:- Taariikhda Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ee Maanta geeriyooday 18/08/2022 Akhriso:- Midowga Afrika Ayaa wada qorshayaal looga hortagayo qaraxa 17/04/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.