Al-Shabaab oo weerar dhimasho leh ku qaaday saldhig ku yaalla Sh/Dhexe. written by Warsan Radio 17/01/2023 Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar khasaare nafeed dhaliyey ku qaaday saldhig ay militariga dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ilaa 75km waqooyi ka xiga Muqdisho, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal xooggan.Weerarkan ayaa al-Shabaab ay u adeegsadeen qaraxyo iyo maleshiyaad weerar ah, waxaana iska caabiyey militariga, sida uu sheegay Taliyaha militariga Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda.Militariga Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa warar is-khilaafsan kasoo saaray khasaaraha dagaalkii halkaas ka dhacay.Taliyaha militariga Jeneraal Odowaa ayaa xaqiijiyey dhimashada shan askari. Dadka dhintay waxaa ka mid ah sarkaal sare oo lagu magacaabay Col. Abshir Shataqey. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegtay inay dagaalka ku dileen 21 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarka ay ciidamada dowladda ku gaarsiiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaraya illaa 63. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashadooda.Weerarkan ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab horey looga saaray inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan maamul goboleedka HirShabeelle, hase yeeshee waxay weli sii waddaa inay weeraro ka fuliso gobolka. Al-Shabaab oo weerar dhimasho leh ku qaaday saldhig ku yaalla Sh/Dhexe. was last modified: January 17th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Ciidamada dowladda oo qabsaday Ceeldheer You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 30/09/2021 Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo kawada Dalka Qatar 06/09/2023 Axmed Madoobe: Shacabka Soomaaliyeed uma baahna cid kala qaybisa 20/07/2020 Dhul-giriir ka dhacay gudaha Turkiga iyo khasaaraha ka dhashay 12/08/2023 DAAWO VIDEO SIMNAAR LOO QABTEY ISKASHATADA BEERALEYDA KGS AYAA MANATA KA DHACAY MAGALADA BAYDHABO 18/01/2017 DHAGEYSO : M/weynihii Afaraad oo Kismaayo Lagu Doortey . 25/08/2019 Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhul Gariir ka dhacay Turkiga 06/02/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 18/11/2021 Cumar Filish oo sheegay inuu ka shaqeenayo in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Muqdisho 14/08/2020 Puntland oo soo bandhigtay liiska 16 kursi oo lagu dooranayo Boosaaso 16/02/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.