Waxaa soo shaac baxaya inuu taagan yahay khilaaf Huursanaa oo u dhexeeya Gudoomiyaha iyo Mudanayaasha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Haddaba xildhibaano ay tiradoodu kor u dhaafayso 32 mudanayaal ayaa Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ka wada mooshin ka dhan ah gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye oo ay ku eedeynayaan inuu ka gaabiyey dardar galinta howlaha Baarlamnka iyo bah dilaad ay sheegeen inuu ku sameeyey Gollaha Baarlamanka.
Xildhibaanada ayaa sheegayeen aysan marnaba la aqbaleynin in shirkad gaar loo leeyaahy oo Lagu Magacaawo GALOOL COMPANY ay aruuriso Canshuurta Gobolka Bay, taasoo dhawaan Magaalada Baydhabo loo xilsaarey isla markaana sida ย la sheegey laga leeyahay Muqdisho.
Waxay Xuseen In marnaba Dowlada Hoose laga wareejin karin aruurinta Canshuurta Gobolka Bay, isla markaana a waxay ku hanjabeen in Mooshin ka dhan ah ay ka keeneen Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Xildhibaan C/qaadir Dhagacade, Xidhibaan Xasan Black, Xildhibaan Modiyow Mad Aftiin , Xildhibnaan Ebdiyow Aase iyo kuwo kale ย ayaaย sheegeen in ay diyaariyeen Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamanka KGS.
Waxaana la ogeyn sida uu u suurta gali doono mooshinkan ka dhanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye oo sanadkan kursiga la wareegey.
Ugu dambeyntii Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku fashilan arimaha badan isla markaana waxa aysan weli lahayn Hanaan Maaliyadeed oo la aamini karo.