Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya inay jiraan dagaallo xooggan oo u dhaxeeya labo beel oo wada dega.
Dagaallada ayaa la soo sheegaya inay salka ku hayaan dhul beereedyo ku yaalla degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.
Dadka degaanka ayaa u sheegay Warbaahinta inay muranka uu ka dhashay sohdimaha beero ay kala leeyihiin labada beel oo wada dega Buurhakaba.
Dagaalladani ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac ee dagaallamaysa waxaana arrintani ay saameysay nolosha dadka degaanka.
“Dowladda iyo Alshabaab meel aan loo dacwoonin ma jirto, dagaallada waxay socdaan dhowr maalin todobaad oo kale marka khilaafkani waa soo jiitayay muddo sanado ah waxa lagu dagaallamayana waa dhul beereed” ayuu yiri qof kamid ah dadka ku nool degmada Buurhakaba
Ma jirto cid kala dhex gashay labada beel ee ku dirirsan degmada Buurhakaba, waxaana qofkii degaanka ee aan la hadalnay uu inoo sheegay in dhowr jeer ay fashilmeen wada hadallo lagu doonayay in lagu xaliyo muranka iyo khilaafka labada beel oo uu ah mid soo jiifatayay.
Ugu dambeyn, Koonfur Galbeed ayaa hadda ka taliya degmada Buurhakaba halkaas oo ay sidoo kale ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan ciidanka Itoobiya
September 2016
-
WARARKII MAANTA
Dhageyso:Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne
by ATEERA September 20, 2016Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya 2016-ka. Munaasabada uu kaga dhawaaqayay in uu yahay Musharaxa Madaxtinimo ayaa waxaa ka…
-
WARARKII MAANTA
DHAGEYSO: Dowladda Soomaaliya oo maanta u jawaabaysa dowladda Kenya
by ATEERA September 20, 2016Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta lagu wado in ay dowladda Kenya in ay siiso jawaab ku aadan muranka badda ee ka dhaxeeya labada dal. Qareenada u doodaya dowladda Soomaaliya ayaa lagu…
-
WARARKII MAANTAWARAYSIYAASHA
Dhageyso:Maamulka Degmada Waajid Oo Sheegey In Urarka Al Shabaab Ay Kala Waregeen Hub Iyo Saanado Minatiri
by ATEERA September 19, 2016Waajid(WRB)Kadib Markii Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Loo Towbarey Ciidamadii Ugu Horeyeen Oo Katirsan Ciidamada Booliska Gaarka Ah Ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Somaaliya Ayaa Waxaa In Muda Ah Ay…
-
WARARKII MAANTA
Dhageyso+Daawo Sawiro:Kulankan is dhexgelka oo lagu magacdarey oo ka dhacay xarunta maamulka degmada baydhabo
by ATEERA September 18, 2016Baydhabo(WRB)Kulankan oo ahaa mid lagu muujinayay is dhex gelka bulshada xaafada,horumarinta nabada iyo soo nooleynta hidihii iyo dhaqanka ee deeganadan ayaa waxaa soo qaban qabiyey maamulada gobalka,degmada iyo urur u…
-
Kalkaan Ka Dhageyso Warka Duhur 18-09-2016
-
Milateriga Ameerikaanka ayaa sheegay in dayaaradaha xulafada uu Maraykanku horseedka ka yahay ay dhici karto in si aan ula kac ahayn ay u duqeeyeen fariisimo ay ciidanka Suuriya ku leeyihiin…
-
WARARKII MAANTA
Rag hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku dilay nin Nabadoon ahaa
by ATEERA September 18, 2016Muqdisho(WRB)Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in habeenkii Sabtida Magaaladaasi lagu dilay nin Nabadoon ahaa, markii ay weerareen laba nin oo sida la sheegay bistoolado ku hubeysnaa. Nabadoonka oo…
-
WARARKII MAANTA
dhageyso:Gudoomiyaha Degmada Buur-HakabaMaxamed Cabdi Maxamed”Maamulka KGS Wax Ayuu Kaqaban Waayey Xaalada Degmadaaasi
by ATEERA September 18, 2016Buur-hakaba(WRB)Shacabka Ku Nool Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Baay Ayaa Waxaa Qeylo Dhaan Ay Ka Muujiyeen Dhibaatooyinka Xiligaani Kataagan Degmadaasi Degmada Buur Oo Qiyaasti Degmada Baydhabo Ay Ujirto 65 KM…
-
WARARKA MAANTAWARARKII MAANTA
DAAWO SAWIRO: KHABIIR SARE OO U DHASHEY DALKA JARMALKA OO MAANTA LA KULMEY GOLLAHA WASIIRADA KGS
by ATEERA September 17, 2016Baydhabo(WRB)- Khabiir Sare Oo U Dhashey Dalka Jarmalka oo qabilsan Arimaha Maamul Goboleedyada pDalka Soomaaliya Ee Dhanka Wasaaradaha ayaa Maanta waxa uu kulan la qaatey Gollaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed…

