Gudiga Gurmadka Abaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Markii Ugu Horeysay Soo Gaarey Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaasoo ay ka jirto Xaalada Bini’aadanimo oo daran.
Gudigaan Oo uu Hogaaminaayey Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha KGS Madoowe Nuunow Maxamed iyo Wasiiro Kale Ayaa Nuxurka Ujeeda Safarkoodu Waxaa Uu daaran yahay Sidii U Qimey lahayeen Xaaladaha Guud Ee Degmaayinka Iyo Degaanada Gobolka Bakoool Oo Abaarahu Ay Sameyeen.
Markii Ay Sogareen Magalada Xudur Waxaa Ay La Kulmeen Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Bakool Oo Uu Gadoomiye u ah Dugoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed, Gudoomiyaha Gobolka Bokool Maxamed Cabdi Toll, Ganacsato Iyo Mas’uulin Kale Oo Ka tirsan Maamulka Gobolka Bakool.
Sidoo Kale waxay Si wada Jir Ah U soo Kormereen Ceelalka Ku Yalaan Magalada Xudur Iyo Dadkii Kasoo Barkacey Degaanada Iyo Degmooyinka Kale Ee Ka tirsan Gobolkaas.
Maxamed Macalin Axmed , Gudoomiyaha Degmada Xudur Ahna Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Bakool Ayaa Mas’uulintii Soo Gaartey Magalada Xudur Ugu warbixiyey Xaaladaha Ay Ka jiraan Gobolka Iyo Boqolaalka Qoys Ee Usoo Barkacey Degmada Xudur Sida Ay Tahay Xaaladooda.
Dadka Ku Nool Degmada Xudur Waxaa Ay Ka midka Yihiin Dadka sida aadka ah u Sameysay Abaarta Ay Kajirta Degaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya .
Boqolaalka Qoys Ee Ku Rafaadsan Degmada Xudur Waxay U Badan Yihiin Haween Iyo Carruur Oo U Baahan Maanta in Wax Loo Qabto.
Xaawo Sakor Cali, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Goblka Bay Oo ka mid Ah Gudiga Gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Waxaa Ay Ka hadashey Dhibaatada Maanta taalla In Ay Sababtey Dhibaatooyin In Ay Sagaraan Haween Badan Oo Guryahooda Iska Jogeen Oo Ay Iskugu Jiraan Kuwo Xaamilo Ah Iyo Kuwo Badan Oo Ay Wadtaan Carruurtooda Maanta Wax Barasho La’aan Ku Ah Degaanada Abaarta Iyo Gudoonka Isku Darsadey.
Sheekh Xasan Lubuur Wasiirka Maaliyada KGS, Ayaa Balan Qaadey In Ay Wax Ka qaban Donaan Waxna Ay Soo gaar Siin Donaan Dadka Ku Dhibaateysan Degaanada Iyo Degmooyinka Xaaladaha Bini Aadinimada Ka jiraan.
Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha Maamulka Koonfur Galbeed Ahna Wasiirka Xananada Xoolaha iyo Dhirta KGS Madoobee Nuunow Maxamed Ayaa Waxaa Uu Sheegey in Ay Gaari Donaan Degmooyinka Koonfur Galbeed ay Ka Armiso Sidi Ay Usoo Ugadaan Xaalada Ay Ku Nool Yihiin Dadka Dega Degaanadaasi Waxaana Uu Sheegey In Maanta Garab Looga Baahan Yahay Dadka Kasoo Jeeda Degaanadaaan Koonfur Galbeed.