Deeq Daawo ah oo ay Bixisay Dalladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Sweden
Deeq Daawo ah oo ay isku soo ururiyeen Dalladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Sweden( Sydväst Somaliska Riksförbundet I Sverige) ayaa maanata Sabti 25 February 2017 waxaa ay ku wareejiyeen Gudiga Gurmadaka Samafalka Cudurka Shubin Biyoodka ee gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wareejinta dawaadaas waxa ay ay ka dhacadey dawa Heteelka Baayer Moniq Ee ku Yaala Magalada Baydhabo .
Mahamed Calin Adan oo ka tirtsan Ururka Arladi Youth Developmenr oo ay Dalladda KGS Sweden u soo wakiishteen deeqdan Gaarsiinta in la gaarsiiyo dadka dhibaateysan ee ka soo jeeda deeganda Koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa waxa uu halkaasi ka soo jeediyay hadal kooban oo ku aadan deeqda iyo qaabka ay u soo gaartay.
Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Cudurka Shuban Biyoodka C/qaadir Adan Kuusow iyo Mahamuud Abdala Maclin Jim Jim oo asagana ah isku xiraha Bulshada waxaa ay ka hadleen in ay soo gaartey Deeqdii daawada ah oo ay u soo dhiibeen Mahamed Ali Adan oo ka mid aha Ururka Dhalinyada Hormarinta Arlaadi.
Waxana ay sheegeen inay gaarsiin doonan dadkii looga talagaley. Waxayna kaloo u mahadnaqeen Dalladda KGS Soomaaliya ee Sweden iyo dhammaan dadkii baxsaday sadaqadaan iyo kuwii ka sahalay in ay soo gaarto oo ku ti tilmaameen mid wax tar weyn leh.
Dr Yaxaya Maclin yuusuf oo kamid ah Gudiga aya waxa uu baaq udirey jaaliyadaha kale ee dibedda in ay ku soo daydaan Dalladda Koonfur Galbeed ee Swedan. Daawadaan ayaa waxaa la gaarsiin doonaa Tuulada Buurdhuxunle ee ka trisan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Deeqdan Dawada ah ay soo Gaarsiiyeen Gudiga Gurmadka Shibin Biyoodka Gobolada Kooonfurgalbeed ayaa wxaa uu ku soo aadeyaa xili ay Cudurka Shibin Biyoodka dad badan ay u geeriyoodey Qaar kalen ay la iladaryihiin.
Warbaahinta Warsanradio.com
https://www.youtube.com/watch?v=zON4p_Xfmfs