Kulankan ay soo qaban qabisey Wasaarada Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed islamarkaana Wasaarada ay usoo bandhigtey Qodobo ka mid ah Sharciga Saxaafada Soomaaliya oo dodo badan ay ka keeneen Wariyaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa kasoo qeyb galey Kusimaha Madaxweynaha Ahna wasiirka beeraha iyo waraabka Maxamed Xasan Fiqi,Wasiirka Warfaafnta Xasan Cabdi Maxamed,Gudoomiye ku xigeenka Ururka Saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed Muxidiin Xasan Maxamed Xusni,Gudoomiyaha Gobalka Bay Cali wardheere iyo Wariyaasha ka howlgala warbaahinta Magaalada Baydhabo kuyaala.
https://www.youtube.com/watch?v=91Kc-wrENzA&feature=youtu.be
Kulanka oo ku saabsana ka wada tashiga Sharciga Saxaafada Soomaaliya ayaa waxaa ugu horeyntii muhiimada uu leeyahay iney ka doodan qodobada dhaliilaha ay ka qabaan Muxidiin Xasan maxamed Xusni oo ah Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Koonfur Galbed ahna gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee NUSOJ.
Wasiirka Warfaafinta Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed xasan cabdi Maxamed ayaa ka Hadley Muhiimada Kulankan wasaarafa ay soo qaban qabisey.
Kusimaha Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Koonfur Galbed ahna wasiirka Beeraha iyo waraabka Maxamed Xasan Fiqi ayaa Sidoo kale kulanka hadalo ka