Kulanka golaha wasiirada waxaa shir gudoominayey madaxweynaha maamulka koonfur galbeed waxaana kulanka soo xaadirey wasiiro wasiir ku xigeeno ka tirsan maamulka kgs
Kulanka oo ka duwanaa kulamadii hore oo waqti badana qaatey waxaa looga doodey sida ugu haboon ee ciidanka maamulka loo hwl galin lahaa iyo sidii ay alshabaab deegnaada ay koonfur galbed ka joogaan looga sari lahaa
Sido kale waxaa madaxweynaha golaha wasiirada uu hor keney degreeto uu ku magacaabey wasiirka wasaarada arimaha gudaha maamulka koonfur galbeed iyo wasiiru dowlaha maaliyada waxaana wasiirada ay ogolaadeen in maxamed nuur madoowe nuunow maxamed oo ah wiil u dhaley wasiirkii hore ee arimaha gudaha madoowe nuunow oo ku geeriyoodey weerar ka dhacay kol hore hotel naasa hablood ee magaalada muqdisho
Goobta oo wariiyaha dibad jog ka ahaayeen markii uu soo id laadey waxaa wariyaaha la Hadley wasiirka biyaha iyo macdanta maamulka aadan usaama