Golaha la Magac baxay Badbaadada Maamulka Koonfur Galbeed , oo Siyaasiyiin , Aqoonyahanno iyo qeybaha Bulshada Maamulkaas isugu jira ayaa ku eedeeyay Maamulkaasi Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ku hayo Caburin.
Guddoomiye ku xigeenka Golahaasi Badbaadada Koonfur Galbeed Aadan Maxamed Nuur โSaranSoorโ ayaa sharci darro ku tilmaamay in dadka Afka la qabto, taas oo uu sheegay in ay baal marsan tahay xeerarka Federaalka iyo kan Koonfur Galbeed intaba.
Waxaana uu wacad ku maray Aadan SaranSoor in ay qaban doonaan shir weyne looga arrinsanayo Aayaha Maamulkaas Koonfur Galbeed.
Dhinaca kale Aadan Maxamed Nuur โSaran Soorโ ayaa cod dheer ku sheegay in mar haddii Maamulka Koonfur Galbeed howlihii loo igmaday uu gudan waayay, loo baahan in aqoonyahanada iyo waxgaradka Koonfur Galbeed ay isku yimaadaan, si ay isula meel dhigaan Masiirkooda, isagoona hoosta ka xariiqay in ay ka wada hadli doonaan sidii Maamulka haatan oo uu ku tilmaamay mid fadhiid ah loogu bedeli lahaa maamul shaqeeya oo wax qabad leh.
Sidoo kale Aadan SaranSoor ayaa shaaca ka qaaday in sababta loo caburanayo ay tahay, si looga hor istaago in ay soo bandhigaan qaladaadka iyo fashilka hareeyay Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Muddooyinkii dambe ayaa waxaa isi soo tarayay Ololo xoogan oo ay wadaan siyaasiyiin , Aqoonyahanno iyo waxgarad ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ka dhan ah Maamulkaas.