Ugaas Maxamed Xasan Yarow oo ku dhalliley Madaxweynaha Jubbaland inuu kaga baxay balan qadyo
xilligii uu ku sugnaa Gobolka Gedo
Ugaas Maxamed Ugaas XasanYarow oo ka mid ah Hogaamiyayaasha dhaqanka Gobolka Gedo ayaa ku
dhaliiley Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe in uu kaga baxay balanqaadyo uu la galey
Odoyaasha dhaqanka Gobolka,xilli dhowaan Odoyaasha iyo waxgarad kale kulan ay kula qaateen
degmada Dolow ee Gobolka Gedo.
Ugaas Maxamed oo u wareysi siiyey Warbaahinta Balanqaadyda uu nooga baxay ayaa waxaa ka mid
ahaa ayuu yiri in shaqada lagu soo celiyo Diyaad cabdi kaliil oo ahaa Taliyahii Saldhiga Booliska degmada
Luuq oo shaqada uu ka fariisyey Wasiirka Amniga Jubbaland oo aan u aragno in shaqada looga fariisiyey
si sharci daro ah.
“waxaa nasiib daro ah kulankii aan la yeelanay madaxweynaha ee aan isku afgaranay taliyahaasi inuu
shaqadiisa dib ugu laabto in madaweynaha isagon arintaasi wa ka qaban uuka tago
gobolka,islamarkaana uu aado kismaayo,waxaa kale oo wax lala yaabo ah in aan maqalney Col diyaad in
loo masaafurinayo Muqdisho,taasi ma ahan wax aan aqbali doono waayo sharci dhigaya ma jiro in
muwaadin soomaaliyeed oo aan dambi lahayn laga masaafuriyo deegaankiisa sidaasi waxaa yiri Ugaas
Maxamed Ugaas XasanYarow oo ka mid ah Hogaamiyayaasha dhaqanka Gobolka Gedo