Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa amar ka soo saaray dhul boob ka socda deegaano ka tirsan Gobolkaas, isagoo faray maamulada degmooyinka iyo laamaha amniga inay joojiyaan dhul boobkaas.
Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Najax ayuu ku sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu ku howlan yahay sameynta sharci bixin sax ah oo ka hirgasha dhammaan deegaannada Maamulkaas, isla markaana ay ogyihiin dhul boob ka socda deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in cid kasta oo heysta dhul danguud uu kala wareegi doono Maamulka koonfur Galbeed, waxaana shacabka uu uga digay in aysan ku kadsoomin dhulalka danta Guud ee laga iibinayo.
Halkan hoose ka akhriso wareegatada:-