Dowladda Somalia ayaa dib u dhigtay shirweynaha dib u eegista dastuurka oo maanta
ka furmi lahaa magaalada Muqdisho, kadib markii guddiga madaxa bannaan iyo
guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee baarlamaanku ay si wadajir ah u
qaadaceen ka qeybgalka shirweynaha.
Wasaarrada dastuurka ayaa dib u eegista ku macnaysay sababo farsamo darteed Cabdi
Xasan Cawaale Qeybdiid, madaxa guddiga dib-u-eegista baarlamaanka Somalia oo
akhriyay war-murtiyeedka labada guddi ayaa ku eedeeyay wasaaradda dastuurka inay
faramaroosatay awoodda iyo geeddi-socodka dib u eegista dastuurka.