Kal fadhigii Afaraad ee Baarlamaanka K.G.S ayaa Maanta ka furmay Magaalada Baydhabo. Waxaa kulanka so kulanka soo xaadiray inka badan Boqol Xildhibaan oo qaarkood Maanta ka yimid Magaalada Muqdisho. Ugu horayn waxaa furitaanka Kolfadhiga Baarlamaanka ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka
Cabduqaadir Shariif Sheekhunnaa Maye oo Xildhibaanada siiyay faahfaahin kooban oo ku aadan kolfadhigan furmaya iyo Ajandayaasha ugu horeeya ee ee Baarlamaanku ka doodi doono, kadibna waxaa uu ku soo dhaweeyay Mafaxweynaha K.G.Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweynaha ayaa khudbaddii uu ka jeediyay furitaanka Kolfadhiga waxaa uu kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen Amniga iyo siyaasadda Dalka ee hanaanka Federaaliisamka, sidoo kale waxaa uu ka codsaday Xildhibaanada in ay kolfadhigaan inta uu furanyahay xoogga ku saaraan arimaha Amniga si ay uga hortagaan mashaqadii 14kii Oktobar ka dhacday Muqdisho gaar ahaan izgooyska Zope.
Ugu danbayntii waxaa uu Madaxweynaha Tacsi u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee Eheladooda ku dhinteen ama ku saaraan arimaha Amniga si ay uga hortagaan mashaqadii 14kii Oktobar ka dhacday Muqdisho gaar ahaan izgooyska Zope. Ugu danbayntii waxaa uu Madaxweynaha Tacsi u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee Eheladooda ku dhinteen ama ku dhaawacmeen Qaraxaas wuxuuna Illaah uga baryay intii dhimatay in uu janatul Fardowso ku abaal mariyo inta dhaawacanna uu siiyo Bogsiiyo.
Dhammaad.