Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta taariikhduna ku beegan tahay 25/7/2020 , waxaa kulan aan caadi aheyn uga socda xaruntooda Muqdisho.
Agendaha kulanka ayaa ah, Ka Doodista Doorashadda 2020/2021, waxaana tilaabadaan wararka qaar ay sheegayaan in ay si weyn uga horjeedo kulankii Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyadda ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.
Hase yeeshee Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulanka ka hor sheegay in ay dhacday xukuumada federalka. Markaa kadib ayaa waxaa ahayd mid buuq uu ka dhashay kulanka.
Guddoonka baarlamaanka oo hore u sheegay in kulanka maanta uu yahay mid loogaga doodayo doorashada ayaa buuq ku soo dhamaaday
Hase yeeshee wasiirka amniga ayaa ka hadlay kulanka kadib waxa uu sheegay in guddoonka waxa ay ka sheegeen uu yahay mid aan sharci ahayn.
Maxamed Abuukar Islow wasiirka amniga ayaa ku eedeeyay guddoonka inay wadaan waqti ku darsasho.