Waa xili roobaadka deyrta oo looga bartey roobab aan kala goโlaheyn deegaanada dalka soomaaliya
waxaa ka curtey roobab dadka iyo duunyada ku diirsaden
Baydhabo maalmo ka hor way kululeyd balse waqtigan raxmada eebe ayaa ka curatey .
Wadooyinka qaar waxaa fadhiya biyaha roobka dadka waxaa ay ka ordaan baaburta iyo bajaajada
xiliyada ay ku socdaan wadooyinkasi si aan u soo gaarin dhooqada iyo wasaqda biyaha fa dhiya jidadka
Inkastoo ay sidaa tahay hadana magaalada waxaa ka taagan biyo yari baahsan oo tubooyinkii biyaha
keeni jirey waxey noqdeen kuwo qalalan
Dadka qaar waxey dhaansadan ceelasha biyaha laga helo qaar koodna waxey shubtaan dameerada
biyaha dhaamiya oo fuustadii ay ku bixiyaan 2 dolar oo u dhiganta 42 kun oo shinka soomaliga ah
Xarunta wakaalada miyaha oo ah ceel biyoodka ugu weyn ee dameerada iyo gaadiidka booyadaha
biyaha ay ka soo qaadaan ayaa ah mid mashqulsan oo waxey ku jiraan safaf dhaa dheer taasi oo sabab u
ah biyihii ceelka oo yaraadey iyo baahida biyaha oo siyaadey .
Cabdulahi cali maxamed watiin waa gudoomiyaha degmada ahna duqa magaalada baydhabo waxaa uu
ka qeyb galey munaasabad xariga looga jaraayey ceel biyood cusub oo laga hir galiyey dhabarka dambe
ee cisbitalka una dhow xerada ciidanka amisom ee itoobiyaha
Wuxuu sheegey in baydhabo xiligan ay ku yaalan ku dhawaad 30 ceel oo biyo leh hadana beledka ay ka
taagan tahay biyo yari wuxuu u baaqey wasaarada macdanta iyo biyaha kgs sidii ay wax uga qaban
laheyd arintan iyo sidii ay u maareyn laheyd ceelashan maamulkisa u diiwan gashan
Xaafadaha biyaha dhibka ku ah helidooda oo is ticmaala booyadaha iyo gaari dameeryada waxaa ka mid
ah xaafada howl wadaag iyo wadajir oo hada ceel biyoodka laga hir galiyey .
Maamuladii gobolkan soo marey ayaan ku guuleysan sidii riig biyaha soo saara ay u heli lahaayeen
iyagoon xooga saarin sidii baahida biyaha ee baydhabo ka jirta looga bixi lahaa
Cali war dheere gdoomiyaha gobolka ayaa codsadey in amisom ay uga faaโideyso Riigaan ceel biyaadka
lagu qodey
Ceelkaan cusub ee amisom ay baydhabo ka hirgalisey ma yahay mid yareyn doona biyo yarida jirta
dadkase maka faaโideysan doonaan maadama uu ku yaalo xerada amisom meel u dhow
Wasiirka wasaarada biyaha iyo macdanta kgs usaama waxaa uu ka Hadley muhiimada ceelkan loo qodey
iyo baahida keentey
Shirkada biyaha soo saarta ee baydhabo waa warjinaay waxey kaafin weysey baahida biyaha ee jirta
ceelasha maamulka u diiwan gashan waa 30 lama oga meelaha ay ku kala yaalan wasaarada macadanta
iyo biyaha kgs dadaalo ay sameysey xiliyadii jiilalka waxey kaamamka barakaciyasha u sameysey biyo
dhaamin balse waqtigan jiilaalkii laga baxay illa hadana waxaa socda booyadaha biyaha sida oo