Warar deg deg ah oo goordhow nasoo gaaray aya sheegaya in masuuliyiin iyo siyaasiyiin caan ah laga soo bad baadiyay hoteelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho.
Inkastoo dagaal toos ah uu ka soconayo gudaha hoteelka, hadana ciidamada NISA ayaa ku guuleystay in siyaasiyiin iyo masuuliyiin caan ah ay soo bad baadiyaan.
Sargaal katirsan ciidamada NISA ayaa sheegay in ilaa haatan ay soo bad baadiyeen afar kamid ah shaqaalaha DFS, Xildhibaano iyo siyaasiyiin kale
Dadka lasoo bad baadiyay waxaa kamid ah Salaad Cali Jeelle oo hoteelka ku sugnaa iyo Seeraar oo kamid ah siyaasiyiinta
Sidoo kale Xildhibaan katirsan maamulka Hiirshabelle ayaa ku dhintay weerarka, waxaase isagoo dhaawac ah lasoo bad baadiyay Madoobe Nuunow Maxamed ku geeriyoodayoo kamid ah golaha Wasiirada Koofur Galbeed.
Ilaa Shan kamid ah Xildhibaanada dowlada dhexe oo isugu jira kuwa golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa sidoo kale lasoo bad baadiyay.
Xildhibaanada lasoo bad baadiyay ayaa ubadnaa haween, laakiin dhamaan xubnahaas lama helin magacyadooda oo buuxa.
Dhanka kale, saraakiisha NISA ayaa sheegay in inta badan lasoo gaba gabeeyay howlgalkii Hoteelka, isla markaana la dilay sedex kamid ah dagaalyahanadii Shabaab ee gudaha hoteelka ku sugnaa, laakiin uu weli hal nin ka dagaalamayo.
Qaraxyo iyo rasaas culus ayaa weli laga maqlayaa gudaha hoteelka, waxaana adag in la ogaado hadii ay jiraan dad dhintay oo gudaha hoteelka ku jira.
Dhimashada ayaa ka badan karta ilaa 20 qof oo haatan lasoo sheegayo halka dhaawacana uu intaas ka badan yahay.