Sedex ruux ayaa dhaawac soo gaarey lix tukaan oo midi lagu iibiyo shidaalna wuu ku gubtey dab ka kacay xaafada cunay ee magaalada baydhabo
Dabkan kacay ayaa damintiisa socotey illaa 2 saacadood waxaana daminta dabkan qeyb weyn ka qaatey maamulka xaafada dhalinyarada xaafada cunaay iyo qeybaha kale ee bulshada reer baydhabo oo ka kala yimid xaafadaha magaalada
Sababta dabkan uu u kacay ayaa lagu sheegey in uu ku bilowdey goob shah lagu kariyo oo gabadhii shaaha karineysey oo mar qura la arkey iyadoo dharkeeda holcaya ka dibna dabkii uu kufidey goob shidaal lagu iibiyo oo isla suuqa cunay kar tirsan
Gurmadka loo sameyey suuqa dabka uu ka kacay ayaa yaraa oo looma helin dab damis ka qeyb qaata daminta dabka marka laga reebo shacabka oo biyo meel suuqa u dhow ay gacma hooda kaga keeney iyo kuwo ciid ku shubaayey meelaha dabka uu kufidey
Maamulka degmada baydhabo masuul ka socda ayaan soo gaarin goobta oo aan ka qeyb qaadan daminta dabkan oo socdey mudo ku dhow 2 saacadood
Waxaa suuqa soo gaarey taliyaha saldhiga degmada baydhabo mukhtar dugow iyo ciidan kiisa oo aan wadoowin in ay damiyaan dabka kacay maadaama aysan wadan dab damis lagu lagu damiyo hantida gubaneysa
Dhalinyarada ka qeyb qaatey gurmadka qaar kood waxaa ay ka soo carareen garoonka kubada cagta iyagoo markasi ciyaaraaya kubada cagta halkaasina looga soo sheegey
Waa kuwan iyagoo ka Hadley dareen kooda ku aadan qaabka ay ugu guuleysten daminta dabkan iyo iyagoo baaq u direy maamulka koonfur galbeed maamulka degmada iyo ganacsatada magaaalda baydhabo
Baydhabo ma lahan hal dab damis oo u gurmada goob walboo dab ka kaca maadama magaalada ay tahay xarunta ku meel gaarka maamulka koonfur galbeed waxaana goobaha dabka ka kaca dab damis u ah booyado xiliga dabka uu kaco biyo lagu soo dhaamiyo baaldiyo biyo lagu shubo iyo ciid dadka gacmahooda ku guraaan oo lagu shubo meelaha dabka ka kaca
Gudoomiyaha xaafada cunaay oo ah meesha dabka uu ka kacay ayaa isna dhan kiisa Hadley
Waa markii 2 aad oo dab qasaaro geysta oo ka kaco suuqa xaafada cunaay ee magaalada baydhabo iyadoo qasaaraha dabkaasina dhibaato ka soo gaarta dadka suuqa iyo hantidooda