Gedo:Hay,adda HIRDA oo Dugsiyo waxbarasho ka hergeliyey
Xeryaha ay degan yahiin dadka Barakacayaasha ee Gobolka Gedo(Sawirro)
Goobaha laga hergeliyey dugsiyada waxbarasho ee ardeydu ay wax ku
baranayaan sida lacag la,aanta ah ayaa waxaa ka mid ah Xeryaha
Barakacayaasha ee ku kala yaala degmooyinka Baardheere,Luuq,Baladxaawo
iyo Dolow,deegaanadaasi ayaa muddo ka badan ilaa 7 sanno waxaa ku kala
nool qoysas kumanaan gaaraya oo ay deegaanadooda ka sal kaciyeen
abaaro,Colaado iyo dhibaatooyin kale ee xaga nololsha ah,waxayna
badankooda ay ka kala yimaadeen deegaano ka kala tirsan Gobolada
Bay,Bakool,J/dhexe iyo Gedo.
Xasan Cabdi Keynaan oo ah Madaxa Hay,adda HIRDA ee Afrika oo la
hadlayey warbaahinta ayaa sheegay dadka ka faa,ideysanaya fursadahan
waxbarasho ee lacag la,anta ah in ay isugu jiraan caruurta gaartey
heerka waxbarashada iyo dad waaweyn oo aanan horey waxba u
baran,dhamaantoodna waxay degan yahiin xeryaha Barakacayaasha eek u
kala yaala degmooyinka Baardheere,Luuq,Baladxaawo iyo
Dolow,tiradooduna waa ku dhowaad ilaa 5 kun oo Ruux.
Talaabadani ayuu sheegay hay,adooda in ay ugu go,leedahay kor u
qaadida waxbarashada Gobolka iyo sidii dadka danyarta ah ay u heli
lahaayeen waxbarasho,isagoona tilmaamay Xeryaha ay ku jiraan
Barakacayaasha in ay ka hergeliyeen Dhismayaasha Dugsiyo
waxbarasho,musqulo iyo Qalabka loo isticmaalo dugsiyad.
Hergelinta Mashruucan balaaran ayuu sheegay in ay gacan ka siisey
Hay,adda UNICEF,waxaana howl gelinay ayuu yiri Macalamiin Tiradodu ay
gaareyso ilaa 97 macalin kuwaasi oo labadii bilood ee ugu dambeeyey
ka shaqo bilaabay dugsiyada Barakacayaasha ee ku kala yaala afartaasi
degmo.
Qaar ka mid ah Waalidiinta iyo Guddiyada Waxbarashada degmooyinka
Baardheere,Luuq,Baladxaawo iyo Dolow ayaa soo dhaweeyey dugsiyada
waxbarasho ee loo sameeyey dhalaanka Qoysaska Barakacayaasha
ah,waxayna talaabadani ay ku tilmaameen isku daygii ugu balaarnaa ee
wax looga qabanayo horomarinta waxbarashada Gobolka.
/Wariye Axmed Cumar Saalixi Baardheere/Gedo