{WARSANRADIO} Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo galabnimadii maanta lagu dhawaaqay inuu noqday Hoggaamiyaha Somaliland 5-ta sano ee soo socota ayaa warbaahinta la hadlay.
Madaxweynaha ayaa marka hore u mahadceliyay Xisbiyadii Doorashada, Guddiga Doorashada, xubnaha Beesha Caalamka, Ciidamada ammaanka iyo qeybaha kala duwan ee saxaafadda gaar ahaan kuwa ka howlgala degaanada Somaliland.
Wuxuu sheegay maanta inuusan guuleysan xisbi gaar ah balse ay guuleysatay Somaliland oo dhan, wuxuuna shacabka Somaliland ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan wadajirka iyo hormarka.
Ugu dambeyntii Muuse Biixi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu xaliyo cidii qabta cabasho, isaga oo sidoo kale u mahadceliyay Madaxweyne Axmed (Siilaanyo), Xukuumadda iyo dhammaan Hay’adaha kala duwan ee maamulka.
Muuse Biixi oo ku jira Da’da Lixdameeyada ayaa ka guuleystay xisbiyada Wadani iyo UCID oo ay u kala tartamayeen C/raxmaan C/laahi Cirro iyo Feysal Cali Waraabe, waxaana C/raxmaan Cirro uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn Natiijada Doorashada.