Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.
Waxaa ku wehliya safarkiisa guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad cabdalla Cawad iyo xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha magaaladaasi mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo guddoomiyhaha Baarlamaanka maamulkaasi iyo qeybaha bulshada.