Odoyaal iyo waxgarad ku sugan Garbahaarey ayaa ka Cabanaya Maamulka
Jubbaland oo xal ka gaari waayey Nin Muruqmaal ahaa oo ku dhintey Gacanta
Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmada Garbahaarey bartamahii bishii la
soo dhaafey,dhibkaasi oo ilaa iyo hadda aanan laga gaarin wax xal ah .
Garaad Cabdi qani Daahir oo ka mid ah Odoyaasha degmada Garbahaarey oo la
hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay Mas,uuliyiinta Jubbaland in ay ka
gaabiyeen xal ka gaarista dilka ninkaasi,waxuuna Codsi baaq ah u soo
jediyey DF ee soomaaliya in ay dhibkaasi ka dhacay Garbahaarey ay soo faro
geliso,maadama sida uu sheegay Jubaland ay ku guul dareysatey xal ka
gaarida arinkaasi..