Xubno ka tirsan Gudiga Fulinta ee Golaha Badbaadada KGS oo maanta 10/03/2018 deeg lacageed gaarsiiyay bukaan socod ku jira Cisbitaalka magaalada Baydhabo. Ilaa iyo sodon bukaan socod oo ku dhaawacmay shil gaari iyo bukaano ku jira qeybta haweenka ee cisbitaalka Baydhabo ayaa la gaarsiiyay deeq lacageed.
Cisbtaalka ayaa waxaa ku jira bukaan socod badan oo u baahan baxnaanin iyo kuwo badan oo aan haysan lacag ay ku iibsadaan waxyaahaba aasaasiga ee nolosha ay u baahantahay. Xubnaha Fulinta ee GBKGS ee ka qeyb galay bixinta deeqdaas lacaageed ayaa sheegay in aysan deeqdaan ahaan doonin markii ugu horeysay oo ay deeg gaarsiinyaan Cusbitaalka Baydhabo, ee loo baahan yahay in la joogtooyo.
Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahanyahay in bulshada KGS ay ka qeybqaataan caawinaata iyo u gargaaridda dadkooda dhibaateysan.
Xafiiska Wararka
Golaha Badbaada Koonfur galbeed Soomaaliya