{WARSANRADIO}Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo la baxay Guddiga Badbaadada Golaha Shacabka ayaa caawa ku dhawaaqay inuu buray mooshinkii kalsooni kala noqoshada laga keenay Guddoomiye Jawaari, kaasoo ka dhashay qalalaase siyaasadeed oo hareeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Xildhibaanadan ayaa waxay ka soo saareen illaa lix qodob oo ay uga hadleen xaaladihii uu soo maray mooshinka iyo qaabkii uu ku buray, kaddib markii ay dhamaatay mudadii 10-ka cisho aheyd.